Luukos 3:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Digniin badan oo kale ayuu dadka ku wacdiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:15 : 15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
  • Yoox 1:29 : 29 ¶ Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.
  • Yoox 1:34 : 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
  • Yoox 3:29-36 : 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay. 30 Isagu waa inuu kordho, aniguse waa inaan yaraado. 31 ¶ Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa. 32 Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo. 33 Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay. 34 Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa. 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
  • Fal 2:40 : 40 Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 3:19-20
    2 aayado
    74%

    19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,

    20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.

  • 40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.

  • 17Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa.

  • 2Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • Mark 1:38-39
    2 aayado
    71%

    38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

    39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • Mat 3:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

    2Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

    3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 2Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu ereygii kula hadlay.

  • Mat 3:10-12
    3 aayado
    71%

    10Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

    11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

    12Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

  • Luuk 4:43-44
    2 aayado
    71%

    43Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.

    44¶ Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

  • 3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • 4¶ Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal.

  • 8¶ Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.

  • 23¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • 35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

  • Luuk 3:9-10
    2 aayado
    69%

    9Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.

    10Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?

  • 12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.

  • 1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

  • 18¶ Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?

  • 19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • 20oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay,

  • 31¶ Oo isagoo aad u dhiirran ayuu wuxuu ku wacdiyi jiray boqortooyada Ilaah, wuxuuna bari jiray waxyaalaha ku saabsan Rabbi Ciise Masiix, cidnana uma diidin.

  • 18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

  • 28maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 33¶ Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen.

  • 15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 1¶ Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • 15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

  • 20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.

  • 34¶ Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga.

  • 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

  • 21¶ Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey.