Luukos 8:44

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 22:12 : 12 ¶ Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.
  • Mal 4:2 : 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • Mat 8:3 : 3 Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,
  • Mat 20:34 : 34 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.
  • Mark 5:27-28 : 27 Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay. 28 Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
  • Mark 6:56 : 56 Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.
  • Luuk 7:38 : 38 Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.
  • Luuk 13:13 : 13 Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.
  • Yoox 5:13 : 13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.
  • Fal 5:15 : 15 xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.
  • Fal 19:12 : 12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
  • Bax 15:26 : 26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 9:18-22
    5 aayado
    92%

    18¶ Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

    19Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo xertiisiiba.

    20Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda.

    21Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

    22Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.

  • Luuk 8:41-43
    3 aayado
    87%

    41Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo.

    42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.

    43¶ Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,

  • Mark 5:23-34
    12 aayado
    85%

    23oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.

    24Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.

    25¶ Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.

    26Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay.

    27Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.

    28Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

    29Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.

    30Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?

    31Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?

    32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

    33Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay.

    34Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.

  • Luuk 8:45-50
    6 aayado
    85%

    45Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya.

    46Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.

    47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

    48Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.

    49¶ Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.

    50Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa.

  • 36oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

  • 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

  • 72%

    11Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso.

    12Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay.

    13Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.

  • 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

  • 19Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

  • 3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

  • 19¶ Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa.

  • 31Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.

  • Luuk 8:54-55
    2 aayado
    71%

    54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.

    55Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.

  • Mat 9:25-26
    2 aayado
    70%

    25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.

    26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

  • 28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

  • Mark 1:41-42
    2 aayado
    70%

    41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.

    42Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday.

  • 7Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

  • 39oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.

  • 13Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

  • 25Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay.

  • 42Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.

  • 25¶ Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay.