Matayos 12:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 46¶ Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga.

  • Luuk 8:19-21
    3 aayado
    92%

    19¶ Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood.

    20Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan.

    21Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.

  • Mark 3:30-35
    6 aayado
    91%

    30waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

    31¶ Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.

    32Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.

    33Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?

    34Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    35Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.

  • Mat 12:48-50
    3 aayado
    88%

    48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

    49Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    50Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

  • Mat 13:55-56
    2 aayado
    73%

    55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

    56Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay?

  • 72%

    25¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.

    26Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii.

    27Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi, Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey.

  • Luuk 2:48-49
    2 aayado
    71%

    48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

    49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 12¶ Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

  • 3Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.

  • Mat 20:20-21
    2 aayado
    69%

    20¶ Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.

    21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

  • 56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

  • 42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?

  • 14Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.

  • 27¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.

  • 13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

  • Yoox 2:3-5
    3 aayado
    68%

    3Markii khamrigu dhammaaday Ciise hooyadiis waxay isaga ku tidhi, Khamri ma ay qabaan.

    4Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay, aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman.

    5Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.

  • 5Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

  • 67%

    25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

    26Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.

  • 21Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.

  • 10¶ Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta.

  • 45¶ Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

  • 31Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?

  • 20Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.

  • 47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • 37Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

  • 17¶ Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay.

  • 47¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

  • 33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.

  • 10¶ Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyo-tobankii wax bay masaalladii ka weyddiiyeen.

  • 12idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo.

  • 28¶ Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?