Matayos 16:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 4:10 : 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.
  • Mark 8:33 : 33 Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
  • Fil 3:19 : 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.
  • Kol 3:2 : 2 Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal.
  • Room 8:5-8 : 5 Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa. 6 Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda, 7 maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto. 8 Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.
  • 1 Kor 2:14-15 : 14 Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa. 15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.
  • Yoox 6:70 : 70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid.
  • Room 14:21 : 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.
  • Luuk 4:8 : 8 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto.
  • Bil 3:1-6 : 1 ¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal? 2 Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa; 3 laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine. 4 Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan; 5 waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta. 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
  • Bil 3:17 : 17 Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.
  • 2 Sam 19:22 : 22 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?
  • 1 Taar 21:1 : 1 ¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo.
  • Ish 8:14 : 14 Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
  • Sak 3:1-2 : 1 ¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo. 2 Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?
  • Room 14:13 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.
  • 2 Kor 11:14-15 : 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • Mat 18:7 : 7 Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 8:32-34
    3 aayado
    93%

    32Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.

    33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

    34¶ Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

  • 22Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto.

  • Luuk 4:7-9
    3 aayado
    79%

    7Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona.

    8Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto.

    9Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur;

  • Mat 4:9-10
    2 aayado
    75%

    9Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid.

    10Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.

  • 24¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

  • 74%

    31¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,

    32laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.

  • 73%

    29Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.

    30Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

  • Mat 26:33-34
    2 aayado
    73%

    33Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

  • Mat 16:15-18
    4 aayado
    72%

    15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

    16Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.

    17Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.

    18Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin.

  • 20Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.

  • 29Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.

  • 7Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

  • 70%

    36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

    37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

    38Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.

  • 33Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

  • 34Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.

  • 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

  • 12Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

  • 9Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa,

  • 23¶ Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco.

  • 27¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.

  • 13¶ Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha?

  • 55Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.

  • 61Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 61Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.

  • 70Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda.

  • 27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • 3Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan, Kibis noqo.

  • 73Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya.

  • 3Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.

  • 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

  • 20Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.

  • 31¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.