Luukos 9:55

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 20:10-12 : 10 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa? 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen. 12 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey.
  • 1 Sam 24:4-7 : 4 Oo Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa. 5 Oo waxay hadhow noqotay in Daa'uud qalbigiisii naxdini ku dhacday, maxaa yeelay, wuxuu gooyay darafkii khamiiskii Saa'uul. 6 Markaasuu wuxuu raggiisii ku yidhi, Rabbigu ha iga fogeeyo inaan waxan ku sameeyo sayidkayga kaasoo ah Rabbiga kiisa subkan, iyo inaan isaga gacanta u qaada, maxaa yeelay, wuxuu yahay Rabbiga kiisa subkan. 7 Sidaasaa Daa'uud raggiisii ugu diiday erayadaas, oo umana uu oggolaan inay Saa'uul ku kacaan. Markaasaa Saa'uul ka soo baxay bohoshii, oo iska tegey.
  • 1 Sam 26:8-9 : 8 Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo. 9 Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona? 10 Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa. 11 Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.
  • 2 Sam 19:22 : 22 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?
  • Ayuub 2:10 : 10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.
  • Ayuub 26:4 : 4 Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
  • Ayuub 31:29-31 : 29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay, 30 (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;) 31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
  • Ayuub 34:4-9 : 4 Aynu dooranno waxa qumman, Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan. 5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday. 6 Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay; Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin. 7 Ninkee baa Ayuub la mid ah, Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale, 8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda? 9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.
  • Ayuub 35:2-4 : 2 Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah? 3 Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa? Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay? 4 Haddaba waxaan u jawaabayaa Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
  • Ayuub 42:6 : 6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
  • Maah 9:8 : 8 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
  • Yer 17:9 : 9 Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?
  • Mat 16:23 : 23 Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
  • Mat 26:33 : 33 Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.
  • Mat 26:41 : 41 Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
  • Mat 26:51 : 51 Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.
  • Fal 23:3-5 : 3 Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn? 4 Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa? 5 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.
  • Fal 26:9-9 : 9 ¶ Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared. 10 Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa. 11 Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
  • Yac 3:10 : 10 Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
  • 1 But 3:9 : 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
  • Muj 3:19 : 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.
  • Yoox 16:9 : 9 xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 54Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo?

  • Mark 8:32-33
    2 aayado
    73%

    32Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.

    33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

  • 56Markaasay waxay aadeen tuulo kale.

  • Mark 1:23-25
    3 aayado
    70%

    23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

    24Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

  • 38Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 23Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

  • 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

  • 39Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano.

  • 6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.

  • Mat 8:26-27
    2 aayado
    69%

    26Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

    27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • 41Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

  • Mark 9:38-39
    2 aayado
    69%

    38¶ Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.

    39Laakiin Ciise baa yidhi, Ha u diidina, waayo, ninna ma jiro oo yaab xoog leh magacayga ku sameeyaa oo dhaqso hadal xun iga odhan karaa.

  • Luuk 9:49-50
    2 aayado
    69%

    49¶ Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.

    50Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Ha u diidina, waayo, kan aan idinka gees ahayn waa idinla gees.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

  • Luuk 8:24-25
    2 aayado
    68%

    24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.

    25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

  • 22Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.

  • Mat 9:3-4
    2 aayado
    68%

    3Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.

    4Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?

  • 36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 8Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan?

  • 21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?

  • 33¶ Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?

  • 40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

  • 16Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?

  • 67%

    56Labawejiilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka, laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan?

    57Maxaad qudhiinnu waxa xaqa ah u xukumi weydaan?

  • 14Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?

  • 40Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

  • 7Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.

  • 12Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

  • 67%

    10oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.

    11Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan,

    12waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.

  • 15Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 20¶ Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobadkeenin.

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 30waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

  • 42Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.

  • 46¶ Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.

  • 29Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.