Miikaah 4:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Saf 3:19 : 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.
  • Sab 147:2 : 2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
  • Yex 34:12-17 : 12 Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan. 13 Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan. 14 Waxaan iyaga daajin doonaa meelo daaqsin wanaagsan, oo xeradooduna waxay ahaan doontaa buuraha dhaadheer oo reer binu Israa'iil. Halkaasay xero wanaagsan dhex fadhiisan doonaan, oo waxay daaqsin wanaagsan ka daaqi doonaan buuraha reer binu Israa'iil. 15 Aniga qudhaydu adhigayga waan daajin doonaa oo dhereg baan la fadhiisin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 16 Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa. 17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.
  • Yex 36:24 : 24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
  • Yex 37:21-22 : 21 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa. 22 Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan.
  • Yex 39:25-29 : 25 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa. 26 Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin, 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin. 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
  • Miik 2:12 : 12 ¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.
  • Ish 35:3-6 : 3 Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya. 4 Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa. 5 Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa. 6 Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
  • Ish 56:8 : 8 Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
  • Yer 3:18 : 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.
  • Yer 30:17-18 : 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin. 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
  • Yer 31:8 : 8 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.
  • Luuk 19:10 : 10 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
  • Yoox 10:16 : 16 Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.
  • Cib 12:12-13 : 12 ¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar. 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
  • Sab 38:17 : 17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Saf 3:18-20
    3 aayado
    85%

    18Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.

    19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

    20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

  • 8Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.

  • Ish 11:11-12
    2 aayado
    76%

    11¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.

    12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.

  • 8Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.

  • 12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

  • Yoel 3:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

    2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 4Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.

  • Saf 3:11-12
    2 aayado
    73%

    11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

    12Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.

  • 2Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.

  • 3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

  • 10¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • 17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.

  • 18Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.

  • 1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • 14Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.

  • 34oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 11Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.

  • 21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

  • 1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

  • 1¶ Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,

  • 16Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa.

  • 8Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.

  • 12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.

  • 12Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • 37Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

  • 11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 12Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

  • 18Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.