Nexemyaah 12:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 9:14-44 : 14 Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii, 15 iyo Baqbaqar, iyo Xeresh, iyo Gaalaal, iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sikrii, ina Aasaaf, 16 iyo Cobadyaah oo ahaa ina Shemacyaah, ina Gaalaal, ina Yeduutuun, iyo Berekyaah oo ahaa ina Aasaa, ina Elqaanaah, kaasoo degganaan jiray tuulooyinkii reer Netofaah. 17 Oo iridjoogayaashiina waxaa ka joogay Shalluum, iyo Caquub, iyo Talmon, iyo Axiiman, iyo walaalahood, oo waxaa iyaga madax u ahaa Shalluum, 18 oo ilaa maantadan la joogo boqorka iriddiisa xaggeeda bari joogi jiray, oo iyagu waxay iridjoogayaal u ahaayeen xeradii reer Laawi. 19 Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda. 20 Oo waagii hore waxaa iyaga madax u ahaan jiray Fiinexaas oo ahaa ina Elecaasaar, oo Rabbiguna isaga wuu la jiri jiray. 21 Oo Sekaryaah ina Meshelemyaahna wuxuu ahaan jiray iridjoogihii iridda teendhadii shirka. 22 Oo kulligood intaas loo doortay inay iridjoogayaal ahaadaan waxay dhammaantood ahaayeen laba boqol iyo laba iyo toban. Oo kuwaas abtiriskooda waxaa lagu tiriyey tuulooyinkoodii, kuwaasoo Daa'uud iyo Samuu'eel oo ahaa waxarkihii ay u doorteen shuqulkoodii lagu aaminay. 23 Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah. 24 Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba. 25 Oo walaalahoodii tuulooyinkooda joogayna had iyo goor toddobadii maalmoodba way u iman jireen inay iyaga la joogaan, 26 waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah. 27 Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan. 28 Oo iyaga qaarkoodna waxay u talin jireen weelasha lagu adeego, waayo, weelasha tiraa lagu soo gelin jiray, oo tiraa lagu bixin jiray. 29 Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga. 30 Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa. 31 Oo Matityaah oo ka mid ahaa reer Laawi, oo ahaa curadkii Shalluum oo ahaa reer Qorax shuqulkiisii joogtada ahaa wuxuu ahaa inuu ilaaliyo waxyaalaha digsiyada lagu dubo. 32 Oo walaalahood qaarkood oo reer Qohaad ahaana waxay u talin jireen kibistii tusniinta, si ay sabti kasta u diyaariyaan. 33 Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii. 34 Kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen rag madax ah, oo waxay degganaan jireen Yeruusaalem. 35 ¶ Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis oo la odhan jiray Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, 36 iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal, iyo Neer, iyo Naadaab, 37 iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Sekaryaah, iyo Miqlood. 38 Miqloodna wuxuu dhalay Shime'aam. Iyana walaalahood ayay la degganaayeen Yeruusaalem meel walaalahood ka soo hor jeedda. 39 Neerna wuxuu dhalay Qiish, Qiishna wuxuu dhalay Saa'uul, Saa'uulna wuxuu dhalay Yoonaataan, iyo Malkiishuuca, iyo Abiinaadaab, iyo Eshbacal. 40 Wiilkii Yoonaataanna wuxuu ahaa Meriibacal, Meriibacalna wuxuu dhalay Miikaah. 41 Wiilashii Miikaahna waxay ahaayeen Fiitoon, iyo Meleg, iyo Taxreeca iyo Aaxaas. 42 Aaxaasna wuxuu dhalay Yacraah, Yacraahna wuxuu dhalay Calemed, iyo Casmaawed, iyo Simrii, Simriina wuxuu dhalay Moosaa. 43 Moosaana wuxuu dhalay Bincaa, oo wiilkiisiina wuxuu ahaa Refaayaah, oo dhalay Elecaasaah, oo isna dhalay Aaseel, 44 Aaseelna wuxuu lahaa lix wiil, oo magacyadoodiina waa kuwan: Casriiqaam, iyo Bokeruu, iyo Ismaaciil, iyo Shecaryaah, iyo Cobadyaah, iyo Xaanaan. Intaasu waxay ahaayeen wiilashii Aaseel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 12:21-22
    2 aayado
    89%

    21reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.

    22Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.

  • Nex 12:10-13
    4 aayado
    78%

    10Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,

    11Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.

    12Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,

    13reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 77%

    6Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.

    7Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,

  • 26Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.

  • 23Oo reer Laawina, Yoosaabaad, iyo Shimcii, iyo Qeelaayaah (kaasu waa Qeliitaa), iyo Fetaxyaah, iyo Yahuudah, iyo Eliiceser.

  • Nex 12:6-8
    3 aayado
    75%

    6iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,

    7iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.

    8Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 9Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel,

  • 74%

    21Kuwii reer Lacdaan ee reer Gershoon oo uu lahaa Lacdaan, oo ahaa madaxdii reerahooda oo uu lahaa Lacdaan oo ahaa reer Gershoon, waxay ahaayeen Yexii'eelii,

    22iyo wiilashii Yexii'eelii oo ahaa Seetaam, iyo Yoo'eel oo walaalkiis ahaa, waxayna u talin jireen khasnadihii guriga Rabbiga.

  • 11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 34Kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen rag madax ah, oo waxay degganaan jireen Yeruusaalem.

  • Nex 12:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,

    2iyo Amaryaah, iyo Malluug, iyo Xatuush,

  • 12¶ Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax.

  • 46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • 12kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,

  • 10¶ Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,

  • 16iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,

  • 1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 2Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.

  • 9Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.

  • 15¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.

  • 26Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.

  • 40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.

  • 11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

  • 12iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,

  • 43ina Yaxad, ina Gershoom, ina Laawi.

  • 3Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.

  • 29Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.

  • 34iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,

  • 13Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.

  • 36Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.

  • 14Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii,

  • 20¶ Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.

  • 24Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.

  • 17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

  • 10Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin,

  • 31Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.

  • 24Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.