Tirintii 10:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu joogsadayna wuxuu yidhi, Rabbiyow, ku soo noqo kumanyaalka kun ee reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 1:10 : 10 Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
  • Sab 90:13-17 : 13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada. 14 Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan. 15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg. 16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda. 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Ish 63:17 : 17 Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
  • Bil 24:60 : 60 Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.

  • Tir 10:33-35
    3 aayado
    75%

    33¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.

    34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

    35¶ Oo kolkii sanduuqii hore u baxay ayaa Muuse yidhi, Rabbiyow, sara joogso, oo cadaawayaashaadu ha kala firdheen, oo kuwa ku necebuna hortaada ha ka carareen.

  • 41Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.

  • 27Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,

  • Tir 9:17-20
    4 aayado
    70%

    17Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.

    18Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.

    19Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.

    20Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.

  • 1 Sam 4:5-6
    2 aayado
    70%

    5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

    6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.

  • 7Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

  • 56Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.

  • 36Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.

  • 3Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

  • 3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • 4Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.

  • 23Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.

  • 2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.

  • 14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.

  • 2Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.

  • 11Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac, oo dadka hor mar, oo iyana way geli doonaan oo hantiyi doonaan dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siinayo.

  • 28Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.

  • 17Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.

  • 6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

  • 10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,

  • 11Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

  • 2Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.

  • 25Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.

  • 30Haddaba u tag oo waxaad ku tidhaahdaa, Teendhooyinkiinnii ku noqda.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 36Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

  • 8Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?

  • 1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

  • 13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

  • 13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

  • 66%

    25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

    26Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.

  • 15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

  • 66%

    20Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?

    21Oo waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.

  • 4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 7Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

  • 14Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.

  • 35Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.

  • 2¶ Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.