Maahmaahyadii 15:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 146:9 : 9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
  • Maah 23:10 : 10 Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
  • Maah 12:7 : 7 Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
  • Maah 14:11 : 11 Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.
  • Sab 68:5-6 : 5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda. 6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
  • Sharc 10:17-18 : 17 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan. 18 Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.
  • Yac 1:27 : 27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Ish 2:12 : 12 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,
  • Daan 5:20 : 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.
  • Sab 52:5 : 5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
  • Sharc 19:14 : 14 ¶ Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.
  • Ayuub 40:11-13 : 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso. 13 Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
  • Sab 138:6 : 6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
  • Sab 52:1 : 1 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

  • 9Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.

  • 9Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 71%

    29Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

    30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

  • 28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

  • 17Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 70%

    18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

    19In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 32Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

  • 23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 19Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 7Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.

  • 12Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 6Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.

  • 6Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 21Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin; Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.

  • 11Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 6Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.

  • 9Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

  • 11Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.

  • 33Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh, Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.

  • 15Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

  • 5Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.

  • 5Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 5Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)

  • 20Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 24Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

  • 9Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.

  • 8Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.

  • 14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.