Maahmaahyadii 21:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 16:2 : 2 Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
  • Maah 16:25 : 25 Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
  • Luuk 16:15 : 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.
  • Maah 24:12 : 12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
  • 1 Sam 16:7 : 7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Ha fiirin soojeedkiisa, ama dhererkiisa, maxaa yeelay, waan diiday isaga. Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.
  • Maah 30:12 : 12 Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
  • Luuk 18:11-12 : 11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. 12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
  • Maah 20:6 : 6 Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
  • Yac 1:22 : 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.
  • Gal 6:3 : 3 Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa.
  • Sab 36:2 : 2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
  • Yer 17:10 : 10 Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
  • Yoox 2:24-25 : 24 Laakiin Ciise qudhiisu iskuma hallayn iyaga, waayo dadka oo dhan ayuu yiqiin, 25 oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.
  • Muj 2:23 : 23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 16:1-3
    3 aayado
    87%

    1Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

    2Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.

    3Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.

  • 1Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.

  • 21Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

  • Maah 16:9-11
    3 aayado
    79%

    9Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.

    10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

    11Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.

  • Yer 17:9-10
    2 aayado
    77%

    9Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?

    10Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.

  • 12Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.

  • 8Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.

  • 3Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.

  • 25Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.

  • 15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

  • 21Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.

  • 8Oo waa inaydaan samayn waxyaalaha aynu maanta halkan ku samaynayno oo dhan kuwaas oo ah waxa nin walba la qumman,

  • 75%

    23Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

    24Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?

  • 25Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.

  • 26Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 6Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.

  • 3Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.

  • 21Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

  • 23¶ Rabbiyow, waan ogahay in binu-aadmiga jidkiisu uusan gacantiisa ku jirin, ninkii socda innaba karti uma leh inuu tallaabooyinkiisa toosiyo.

  • 17Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.

  • 9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • 21¶ Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!

  • 7Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.

  • 3Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.

  • 1Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.

  • 71%

    10Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

    11Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.

  • 15Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.

  • 8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

  • 7Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.

  • Maah 3:5-6
    2 aayado
    71%

    5Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

    6Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 2Ninkii xigmad leh qalbigiisu xagga midigtuu u jeedaa, laakiinse nacaska qalbigiisu xagga bidixduu u jeedaa.

  • 5Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.

  • 1¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

  • 27Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.

  • 2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.

  • 9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.

  • 2Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

  • 11Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.