Maahmaahyadii 25:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 12:15 : 15 La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.
  • Wacd 3:4 : 4 wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro;
  • Ish 58:7 : 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?
  • Daan 6:18 : 18 Dabadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay.
  • Yac 2:15-16 : 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?
  • Yac 5:15 : 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.
  • Sharc 24:12-17 : 12 Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta, 13 laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo. 14 ¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira. 15 Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye. 16 ¶ Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay. 17 ¶ Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,
  • Ayuub 24:7-9 : 7 Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh. 8 Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan. 9 Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata, 10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
  • Sab 137:3-4 : 3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood. 4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
  • Maah 10:26 : 26 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 22Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.

  • 25Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.

  • Wacd 7:2-6
    5 aayado
    70%

    2In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.

    3Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa.

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

    6Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • Maah 31:6-7
    2 aayado
    70%

    6Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.

    7Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.

  • 13Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.

  • 7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.

  • 20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

  • 19In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.

  • 21Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,

  • 25Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.

  • 9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.

  • 15Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.

  • 9Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo.

  • 23Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.

  • 7Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.

  • 68%

    13Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.

    14Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.

  • 31Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

  • 15Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.

  • 25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.

  • 10Qalbigu qadhaadhnimadiisuu yaqaan, Oo shisheeyena farxaddiisa lama qaybsado.

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 7Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.

  • 17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.

  • 9Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.

  • 30Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

  • 26Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.

  • 15Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.

  • 18Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.

  • 5Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.

  • 11Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,

  • 15Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.

  • 23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 66%

    18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

    19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

  • 14addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

  • 36Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.

  • 21Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

  • 5Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.

  • 19Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.

  • 21Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka go'da kan duug ah, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.

  • 9Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.