Sabuurradii 119:98

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 4:6 : 6 Haddaba iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah.
  • Sharc 4:8 : 8 Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?
  • 1 Sam 18:5 : 5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
  • 1 Sam 18:14 : 14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray.
  • 1 Sam 18:30 : 30 ¶ Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
  • Sab 119:11 : 11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
  • Sab 119:30 : 30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
  • Sab 119:104-105 : 104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay. 105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
  • Maah 2:6 : 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • Yac 1:25 : 25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    99Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.

    100Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.

  • 74%

    93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

    94Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

    95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

    96Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.

    97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.

  • 66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

  • 73%

    142Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.

    143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

    144Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

  • 73%

    127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.

    128Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

    129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

  • 157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

  • 168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

  • 72%

    72Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.

    73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.

  • 72%

    10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

    12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 71%

    151Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.

    152Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.

  • 41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.

  • 71%

    171Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

    172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

  • Sab 18:39-40
    2 aayado
    71%

    39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

  • 47Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.

  • 71%

    23Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

    24Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.

  • 71%

    102Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

    103Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!

    104Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

  • 138Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

  • 125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

  • 70%

    34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

    35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.

  • 8Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.

  • 56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

  • 111Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.

  • 119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.

  • 68Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 11Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.

  • 3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

  • 14Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.

  • 19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.

  • 79Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.