Sabuurradii 119:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 20:31 : 31 Waayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa.
  • 1 Sam 22:7-9 : 7 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya? 8 Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale? 9 Markaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub. 10 Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey. 11 Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen. 12 Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan. 13 Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?
  • Sab 2:1-2 : 1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? 2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
  • Luuk 22:66 : 66 ¶ Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,
  • Luuk 23:1-2 : 1 ¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos. 2 Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.
  • Luuk 23:10-11 : 10 Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen. 11 Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.

  • 161Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

  • 76%

    21Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

    22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

  • 78Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

  • 74%

    15Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

    16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.

  • 95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 72%

    97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.

    98Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.

    99Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.

  • 69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

  • 72%

    157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

    158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

  • 71%

    46Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

    47Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.

  • 71%

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

    12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

    13Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.

  • 71%

    42Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.

    43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

  • 84Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

  • 141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

  • 71%

    51Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

    52Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

  • 143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

  • 70%

    124Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.

    125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

  • 70%

    26Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

    27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

  • 2Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,

  • 12Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.

  • 59Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 23Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisana anigu kama aan tegin.

  • 171Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

  • 122Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • Bar 3:61-62
    2 aayado
    70%

    61Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

    62Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

  • 39Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • 22Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.

  • 69%

    86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

    87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

  • 66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

  • 118Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.

  • 133Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

  • 2Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

  • 110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.