Sabuurradii 54:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 20:1 : 1 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
  • 1 Sam 26:1 : 1 ¶ Oo waxaa Saa'uul Gibecaah ugu yimid kuwii reer Siif, iyagoo leh, Miyuusan Daa'uud ku dhuuman buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka ku hor taal?
  • 2 Taar 20:6 : 6 oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.
  • Bax 3:14-15 : 14 Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray. 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
  • Bax 23:21 : 21 Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
  • Bax 34:5-6 : 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga. 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan,
  • 1 Sam 23:19-20 : 19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal? 20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
  • Sab 26:1 : 1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
  • Sab 43:1-2 : 1 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran. 2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
  • Sab 48:10 : 10 Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
  • Sab 79:9 : 9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
  • Sab 99:4 : 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
  • Maah 18:10 : 10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
  • Maah 23:11 : 11 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
  • Ish 30:27 : 27 ¶ Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.
  • Yer 50:34 : 34 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo.
  • Miik 7:5-6 : 5 Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta. 6 Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
  • Mat 1:21 : 21 Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.
  • Mat 1:23 : 23 Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.
  • Mat 10:21 : 21 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.
  • Fal 4:12 : 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,

  • Sab 43:1-2
    2 aayado
    78%

    1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

    2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.

  • 21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.

  • 11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • Sab 35:23-24
    2 aayado
    74%

    23Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.

    24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 1Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 1Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

  • 1Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.

  • 4Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.

  • 9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

  • 5Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

  • 1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

  • 6Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

  • 4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

  • 14Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.

  • 13Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

  • 1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.

  • 1Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 12Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.

  • Sab 38:21-22
    2 aayado
    72%

    21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

    22Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.

  • Sab 140:6-7
    2 aayado
    72%

    6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

    7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • 9Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.

  • 1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

  • 154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 4Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.

  • 17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

  • 2Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • 1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

  • 4Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.