Rooma 11:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse haddii laamihii qaarkood laga jebiyey, oo adigoo saytuundibadeed ah lagugu tallaalo meeshoodii, oo aad ka qayb gasho wanaagga xididka geedka saytuunka ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ef 2:11-13 : 11 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab. 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn. 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa.
  • Yoox 15:2 : 2 Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.
  • Yer 11:16 : 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
  • Sab 52:8 : 8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
  • Ef 3:6 : 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
  • Kol 2:13 : 13 Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.
  • Xaak 9:8-9 : 8 Waa baa dhirtu damacday inay boqor subkaan, markaasay geedsaytuun ku yidhaahdeen, Kaalay oo boqor noo noqo. 9 Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
  • Fal 2:39 : 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
  • Mat 21:43 : 43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.
  • Gal 2:15 : 15 ¶ Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn,
  • Sharc 8:8 : 8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,
  • Muj 11:4 : 4 Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka.
  • Sab 80:11-16 : 11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga. 12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan? 13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka. 14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo, 15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay. 16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
  • Ish 6:13 : 13 Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.
  • Ish 27:11 : 11 Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
  • Yex 15:6-8 : 6 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa. 7 Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo. 8 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.
  • Yoon 1:16 : 16 Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.
  • Sak 4:3 : 3 Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix.
  • Mat 8:11-12 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
  • Yoox 15:6 : 6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    18ha ka faanin laamaha, laakiinse haddii aad faantid, bal ogow inaadan ahayn kan xididka sida, laakiinse xididkaa adiga ku sida.

    19Haddaba waxaad odhan doontaa, Laamihii waxaa loo jebiyey in aniga laygu tallaalo meeshoodii.

    20Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso;

    21waayo, haddaan Ilaah u tudhin laamihii asliga ahaa, de adna kuu tudhi maayo.

    22Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa.

    23Iyagana haddayan rumaysaddarradoodii ku sii socon, waa lagu tallaali doonaa meeshoodii, waayo, Ilaah waa awoodaa inuu iyaga mar kale ku tallaalo meeshoodii.

    24Waayo, haddii adiga lagaa soo gooyay saytuun dibadeed oo si aburiddiisa ka gees ah laguugu tallaalay geed saytuun wanaagsan ah, intee baa in ka sii badan kuwan oo ah laamihii asliga ahaa loogu tallaali doonaa geedkoodii saytuunka ahaa?

    25¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;

  • 85%

    15Waayo, haddii xooriddoodu tahay maslaxadda dunida, aqbaliddoodii maxay noqon doontaa, soo noolaadka kuwii dhintay mooyaane?

    16Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday quduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku quduus yahayna, de laamahuna way yihiin.

  • 16Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.

  • 75%

    11¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan.

    12Haddaba haddii dhicitinkoodii yahay taajirnimadii dunida, liidnaantoodiina tahay taajirnimadii quruumaha kale, de buuxnaantooduna intee bay sii badin doontaa taajirnimadii?

  • Xaak 9:9-11
    3 aayado
    74%

    9Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

    10Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.

    11Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

  • Yoox 15:4-6
    3 aayado
    74%

    4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

    5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.

    6Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.

  • Yex 17:4-9
    6 aayado
    73%

    4Oo wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.

    5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

    6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

    7Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.

    8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

    9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?

  • 21Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad?

  • 6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.

  • 2Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.

  • 1¶ De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer binu Israa'iil ah, oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah.

  • 8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

  • 15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.

  • 33Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.

  • 22¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.

  • Room 11:5-7
    3 aayado
    70%

    5Sidaas oo kale wakhtigan la joogona waxaa jira kuwo hadhay oo nimco lagu doortay.

    6Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha.

    7Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • 28Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood.

  • 9Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.

  • 11Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.

  • 10Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

  • 2Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?

  • 1¶ Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,

  • 10Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.

  • 9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.

  • 40Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 30Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda,

  • 6Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

  • 19Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.