2 Korintos 13:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 16:16 : 16 Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
  • 1 Kor 16:20 : 20 Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.
  • 1 But 5:14 : 14 Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.
  • 1 Tes 5:26 : 26 ¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    25¶ Walaalayaalow, noo soo duceeya.

    26¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

    27Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

    28¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

  • 89%

    19¶ Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

    20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

    21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

  • 88%

    14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

    15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

    16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.

  • 14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • 88%

    13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.

    14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

  • 11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

  • Fil 4:21-23
    3 aayado
    75%

    21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

    22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.

    23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

  • 15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

  • 12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,

  • Cib 13:24-25
    2 aayado
    73%

    24¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.

    25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.

  • 13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

  • 10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.

  • 1¶ Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.

  • 71%

    23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

    24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

  • 14¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

  • 70%

    15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

    16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

  • 70%

    13oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.

    14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

    15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

  • 33Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.

  • 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 12Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay,

  • 70%

    34Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

    35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

  • 11waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.

  • 8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

  • 8¶ Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya.

  • Room 15:6-7
    2 aayado
    69%

    6inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.

    7¶ Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.

  • 47¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

  • 13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

  • 12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

  • 18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

  • 11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

  • 37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.