2 Boqorradii 3:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyana waxay kaceen aroor hore, oo qorraxdiina biyihii bay dhalaalisay, oo reer Moo'aabna waxay arkeen biyihii hortooda ka muuqday oo guduudan sida dhiig oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    23Markaasay yidhaahdeen, War waxanu waa dhiig, hubaal boqorradii waa islaayeen oo nin waluba saaxiibkiis buu dilay; haddaba, reer Moo'aabow, xagga dhaca u kaca.

    24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

    25Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.

    26Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.

  • 83%

    18Oo taasu Rabbiga hortiisa waa ku fudud dahay; oo weliba isagu reer Moo'aabna gacantiinnuu soo gelin doonaa.

    19Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.

    20Oo subaxdii dambe markii allabariga la bixin jiray goor ku dhow ayaa biyo ka yimaadeen xagga Edom, oo waddankiina biyaa ka buuxsamay.

    21Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.

  • Tir 22:1-4
    4 aayado
    72%

    1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

    2Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.

    3Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

    4Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

  • Tir 21:13-15
    3 aayado
    71%

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

    14Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,

    15Iyo dhaadhaca dooxooyinka Oo u dadban xagga rugta Caar, Oo u dhow soohdinta reer Moo'aab.

  • Xaak 3:28-29
    2 aayado
    71%

    28Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.

    29Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.

  • 3Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.

  • Yash 3:16-17
    2 aayado
    69%

    16ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.

    17Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.

  • 23Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay,

  • 4¶ Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig.

  • 9Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.

  • 44Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

  • 2 Boq 3:7-10
    4 aayado
    68%

    7Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

    8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

    9Sidaas daraaddeed waxaa israacay boqorkii dalka Israa'iil, iyo boqorkii dalka Yahuudah, iyo boqorkii dalka Edom; oo waxay wareegeen meel toddoba maalmood loo socdo; oo ciidankii iyo xayawaankii la socday toona biyo ma helin.

    10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • Bax 7:20-21
    2 aayado
    67%

    20Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.

    21Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.

  • 47Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • 1¶ Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.

  • Bax 14:21-22
    2 aayado
    67%

    21Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

    22Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

  • Bax 15:22-23
    2 aayado
    67%

    22¶ Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin.

    23Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah.

  • 11Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.

  • 49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

  • 29Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.

  • 5Laakiinse markii Axaab dhintay ayaa boqorkii Moo'aab ku caasiyoobay boqorkii dalka Israa'iil.

  • 10Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.

  • 38Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah.