2 Samuu'eel 16:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 23:8 : 8 Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
  • Sharc 19:15 : 15 ¶ Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama saddex markhaati.
  • 2 Sam 14:4 : 4 Oo naagtii reer Teqooca markay boqorkii la hadashay ayay dhulka wejiga saartay oo u sujuudday, oo waxay ku tidhi, Boqorow, i caawi.
  • 2 Sam 14:10-11 : 10 Boqorkiina wuxuu yidhi, Ku alla kii kula hadla, ii keen oo isna mar dambe ku taaban maayo. 11 Markaasay tidhi, Waan ku baryayaaye, Boqorow, xusuuso Rabbiga Ilaahaaga ah, si kan dhiig u aaraa uusan mar dambe wax u dilin, waaba intaasoo ay wiilkayga dilaane. Oo isna wuxuu ku yidhi, Nolosha Rabbigaan ku dhaartaye inaan wiilkaaga tin keli ahi dhulka kaga dhacayn.
  • 2 Sam 14:22 : 22 Kolkaasaa Yoo'aab dhulka wejiga saaray, oo sujuuday, oo boqorkii u duceeyey; wuxuuna Yoo'aab yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maanta anoo addoonkaaga ah waan ogahay inaan raallinimo kaa helay, waayo, boqorow, waad ii yeeshay wixii aan ku weyddiistay, anoo addoonkaaga ah.
  • Maah 18:13 : 13 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, Waa u nacasnimo iyo ceeb.
  • Maah 18:17 : 17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
  • Maah 19:2 : 2 Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 16:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.

    3Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.

  • 2 Sam 9:1-13
    13 aayado
    83%

    1¶ Markaasaa Daa'uud yidhi, War reerkii Saa'uul wax ka hadhay ma jiraan, aan Yoonaataan aawadiis ugu roonaadee?

    2Reerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah.

    3Markaasaa boqorkii yidhi, Miyaan reerkii Saa'uul wax ka hadhin aan Ilaah aawadiis ugu roonaadee? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Waxaa ka hadhay wiil Yoonaataan dhalay, oo curyaan ah.

    4Kolkaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Xaggee buu joogaa? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Wuxuu joogaa guriga Maakiir oo ah ina Cammii'eel ee deggan Loo Debaar.

    5Markaasaa Boqor Daa'uud u cid diray, oo ka soo kexeeyey gurigii Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel, oo ku yiil Loo Debaar.

    6Dabadeedna waxaa Daa'uud u yimid Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan, ina Saa'uul, oo intuu wejiga u dhacay ayuu u sujuuday. Kolkaasaa Daa'uud yidhi, War Mefiiboshedow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Way kan anoo addoonkaaga ah.

    7Markaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa.

    8Oo isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay?

    9Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga.

    10Haddaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon.

    11Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.

    12Oo Mefiiboshedna wuxuu lahaa wiil yar, oo magiciisuna wuxuu ahaa Miikaa. Intii Siibaa gurigiisa joogtay oo dhammu addoommay Mefiiboshed u ahaayeen.

    13Mefiiboshedna wuxuu degganaa Yeruusaalem, waayo, wuxuu had iyo goor wax ka cuni jiray miiskii boqorka, oo labada cagoodna curyaan buu ka ahaa.

  • 82%

    28Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

    29Boqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.

    30Markaasaa Mefiiboshed wuxuu boqorkii ku yidhi, Isagu ha iska wada qaato, mar haddaad gurigaaga ku soo nabad noqotay, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 75%

    24¶ Kolkaasaa waxaa yimid inuu boqorka ka hor tago Mefiiboshed oo ahaa ina Saa'uul; oo kaasu maalintii boqorku tegey iyo ilaa maalintii uu soo nabad noqday inta ka dhex leh cagihiisa ma uu hagaajin, gadhkiisiina ma uu jarin, dharkiisiina ma uu maydhin.

    25Markuu Yeruusaalem u yimid inuu boqorka ka hor tago ayaa boqorkii ku yidhi, Mefiiboshedow, maxaad ii raaci weyday?

    26Oo isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay.

  • 22Kolkaasaa Yoo'aab dhulka wejiga saaray, oo sujuuday, oo boqorkii u duceeyey; wuxuuna Yoo'aab yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maanta anoo addoonkaaga ah waan ogahay inaan raallinimo kaa helay, waayo, boqorow, waad ii yeeshay wixii aan ku weyddiistay, anoo addoonkaaga ah.

  • 7Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.

  • 5¶ Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.

  • 38Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.

  • 4Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.

  • 36Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

  • 8Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.

  • 6Haddaba Rabbigu ha idiin roonaado oo runtana ha idin tuso; oo anna waan idiinka abaalgudi doonaa roonaantaas, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen.

  • 30Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,

  • 17Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.

  • 5¶ Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?

  • 38Markaasaa Shimcii boqorkii ku yidhi, Hadalkaasu waa wanaagsan yahay, oo sidaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waan yeeli doonaa, anigoo addoonkaaga ah. Oo Shimciina wakhti dheer ayuu Yeruusaalem degganaa.

  • 7Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.

  • 21Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.

  • 16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

  • 19Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

  • 68%

    9Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.

    10Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay?

  • 8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 12Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.

  • 20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 26Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

  • 15Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.

  • 22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

  • 19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

  • 22Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.

  • 22Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.