Falimaha Rasuullada 4:12
Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?
8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,
10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
21Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
22¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
13Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa.
14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.
11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
43Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
26¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
29Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.
16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.
17Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.
18Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.
19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;
20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
36¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?
38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
16Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.
11Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.
30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
31Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
31Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
28¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.
1¶ Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.
14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.
36Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.
16Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.
3sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?
9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;
10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;
38Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;
68Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
9Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
8Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,
12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?
18Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.
14halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
5Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah,
6Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco.
34Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan.
5ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,