Sharciga Kunoqoshadiisa 28:68

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 9:3 : 3 Iyagu ma ay degganaan doonaan Rabbiga dalkiisa, laakiinse reer Efrayim Masar bay ku noqon doonaan, oo cunto wasakh ah ayay ku dhex cuni doonaan dalka Ashuur.
  • Yer 43:7 : 7 Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.
  • Yer 44:12 : 12 Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.
  • Hos 8:13 : 13 Oo weliba allabaryadii qurbaannadayda ahaana waxay ku allabaryaan hilib, wayna iska cunaan, laakiinse Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodiina wuu ciqaabi doonaa, oo Masar bay ku noqon doonaan.
  • Sharc 17:16 : 16 Laakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas waa inaydaan dib ugu noqon.
  • Nex 5:8 : 8 Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.
  • Est 7:4 : 4 waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin.
  • Yoel 3:3-7 : 3 Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan. 4 Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa. 5 Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna, 6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed. 7 Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,
  • Luuk 21:24 : 24 Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
  • Bax 20:2 : 2 ¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 67Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.

  • 75%

    41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

    42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

  • 73%

    44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

    45Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

    46Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.

  • 3¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.

  • Yer 42:14-19
    6 aayado
    73%

    14oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,

    15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

    16markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

    17Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.

    18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

    19Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.

  • Ish 14:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

    3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • Yoel 3:7-8
    2 aayado
    72%

    7Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,

    8oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 22Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

  • 18laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

  • 71%

    36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

    37Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.

  • 27Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.

  • 48Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • 15Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.

  • 12Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.

  • 71%

    31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

    32Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.

    33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.

  • 2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

  • 39¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

  • 28Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.

  • 6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

  • Fal 7:6-7
    2 aayado
    69%

    6Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.

    7Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.

  • 14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 12Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.

  • 69%

    64Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona.

    65Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.

  • 29Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.

  • 14uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 12de markaas iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 14Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.

  • 1¶ Yuusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa.

  • 16Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.

  • 11Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.

  • 17kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

  • 27Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.

  • 25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.