Ishacyaah 45:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Yer 16:19 : 19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
  • Sak 8:20-23 : 20 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan. 21 Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa. 22 Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan. 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.
  • 1 Kor 14:25 : 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
  • Ish 61:5-6 : 5 Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya. 6 Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan.
  • Sab 149:8 : 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
  • Ish 10:33 : 33 ¶ Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa.
  • Ish 14:1-2 : 1 ¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub. 2 Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
  • Ish 18:7 : 7 Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.
  • Ish 19:23-25 : 23 ¶ Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan. 24 ¶ Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa, 25 waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.
  • Ish 23:18 : 18 Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
  • Ish 43:3 : 3 Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii.
  • Bax 11:8 : 8 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
  • Tir 13:32 : 32 Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.
  • 2 Sam 21:20 : 20 Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo gacmahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, cagahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, oo farihiisuna kulligood waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa.
  • Est 8:17 : 17 Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
  • Ayuub 1:15 : 15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.
  • Sab 68:30-31 : 30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel. 31 Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
  • Sab 72:10-15 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado. 11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan. 12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn. 13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa. 14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa, 15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
  • Sab 149:6 : 6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
  • Ish 61:9 : 9 Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.
  • Ish 66:19-20 : 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
  • Fal 10:25-26 : 25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday. 26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.
  • 1 Kor 8:4-6 : 4 Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane. 5 Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan, 6 laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.
  • 1 Tes 1:9 : 9 Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,
  • Muj 3:9 : 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
  • Yex 23:42 : 42 Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
  • Yex 31:3 : 3 Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.
  • Yoel 3:8 : 8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Ish 60:5-9 : 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa. 6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa. 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa. 8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya? 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay. 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay. 12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa. 13 Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan. 14 Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 15 In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan. 16 Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
  • Ish 45:5-6 : 5 Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon, 6 in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.
  • Ish 45:24 : 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.
  • Ish 44:8 : 8 Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya.

  • 3Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii.

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 31Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.

  • 25waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.

  • Ish 45:20-22
    3 aayado
    73%

    20Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.

    21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

    22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 14¶ Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka aawadiin ayaan Baabuloon ugu cid diray, oo kuweedii cararay oo dhanna, kuwaasoo ahaa reer Kaldayiin, waxaan ku keeni doonaa doonniyaha ay ku faani jireen.

  • Ish 60:5-6
    2 aayado
    72%

    5Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.

    6Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.

  • 14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 23¶ Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.

  • 7Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?

  • 9Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.

  • Ish 14:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

    3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 9Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.

  • 43Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan.

  • 4Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.

  • 5Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.

  • 10Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.

  • Yex 30:4-6
    3 aayado
    71%

    4Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.

    5Oo waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.

    6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 9Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • 5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,

  • Saf 2:11-12
    2 aayado
    71%

    11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

    12¶ Oo weliba reer Itoobiyow, idinkana waxaa laydinku layn doonaa seeftayda.

  • 45Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan, Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • 14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 16Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

  • 20Dalka Masar ayaan isaga u siiyey hawshiisii uu hawshooday aawadeed, maxaa yeelay, aniga ayay ii shaqeeyeen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

  • 1¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin.

  • 9Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

  • Ish 49:6-7
    2 aayado
    70%

    6Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.

    7Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.

  • 68Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.

  • 24Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

  • 7Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.

  • 9Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.

  • 16Tag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan.

  • 15Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.

  • 23Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 3oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha.

  • 3Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.