Baxniintii 2:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 6:5 : 5 Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.
  • Sab 105:42 : 42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
  • Bil 26:3 : 3 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.
  • Sab 106:45 : 45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
  • Sab 102:20 : 20 Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
  • Sab 105:6-9 : 6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow. 7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan. 8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray, 9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay, 10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya, 11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna, 12 Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen, 13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
  • Bil 15:14-18 : 14 oo weliba quruuntaas ay u adeegi doonaan, xukun baan ku ridi doonaa; oo dabadeedna way ka soo bixi doonaan iyagoo xoolo badan wata. 15 Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay. 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma. 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:
  • Bil 17:7 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.
  • Bil 18:18 : 18 Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?
  • Sab 138:3 : 3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
  • Luuk 1:72-73 : 72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto, 73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
  • Bil 26:24 : 24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.
  • Bil 28:12-14 : 12 Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya. 13 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga. 14 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.
  • Bil 32:28 : 28 Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay.
  • Bil 46:2-4 : 2 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 3 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn. 4 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.
  • Xaak 2:18 : 18 Oo markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.
  • Nex 9:8-9 : 8 oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay. 9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;
  • Nex 9:27-28 : 27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay. 28 Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay;
  • Sab 22:5 : 5 Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
  • Sab 22:24 : 24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
  • Sab 79:11 : 11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.

  • 25Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.

  • Bax 6:4-5
    2 aayado
    83%

    4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.

    5Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.

  • Bax 3:6-7
    2 aayado
    77%

    6Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.

    7Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;

  • 76%

    44Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,

    45Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.

    46Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.

  • 9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

  • 42ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.

  • Sharc 26:6-7
    2 aayado
    75%

    6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

    7Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

  • 42Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 27Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • Bax 3:15-16
    2 aayado
    73%

    15Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.

    16Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,

  • 9Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;

  • Sab 105:8-9
    2 aayado
    72%

    8Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,

    9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 17¶ Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,

  • 9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

  • Fal 7:6-7
    2 aayado
    71%

    6Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.

    7Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.

  • Bax 1:12-13
    2 aayado
    71%

    12Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.

    13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,

  • 22Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.

  • 10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

  • 35Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.

  • 21Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,

  • 13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,

  • 45Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 34Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;

  • 31Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.

  • 18Oo markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.

  • 23Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,