9Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.
10Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.
11Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.