Bilowgii 42:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninka sayidka u ah dalka ayaa si qallafsan noola hadlay, oo wuxuu noo qaatay inaannu dalka basaasayno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 42:7 : 7 Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 42:31-34
    4 aayado
    84%

    31Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin.

    32Waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo ah wiilashii aabbahayo. Mid ma joogo, kii noogu yaraana maanta dalkii Kancaan ayuu aabbahayo la joogaa.

    33Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

    34oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.

  • Bil 42:28-29
    2 aayado
    80%

    28Markaasuu walaalihiis ku yidhi, Lacagtaydii waa lay soo celiyey; oo waxay ku jirtaa joonyaddayda, markaasay qalbiga ka nexeen, oo ay isku jeesteen iyagoo gariiraya, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxakan Ilaah inagu sameeyey?

    29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

  • Bil 42:9-14
    6 aayado
    79%

    9Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

    10Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

    11Kulligayo isku nin wiilashiis baannu nahay, oo waxaannu nahay niman daacad ah, oo annagoo addoommadaada ah basaasyo ma nihin.

    12Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

    13Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo.

    14Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin.

  • Bil 43:6-7
    2 aayado
    75%

    6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

    7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

  • Bil 44:7-8
    2 aayado
    74%

    7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

    8Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?

  • 7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

  • Bil 44:24-26
    3 aayado
    73%

    24Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

    25Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

    26Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

  • 24Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.

  • Bil 31:14-15
    2 aayado
    72%

    14Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

    15Miyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay.

  • Bil 43:17-18
    2 aayado
    72%

    17Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf.

    18Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato.

  • 20waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,

  • 4Markaasaa Yacquub ku yidhi, Walaalahayow, xaggaad ka timaadeen? Iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid Haaraan.

  • 21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

  • 18Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 22Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.

  • 32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

  • 3Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

  • 25Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

  • 16Iyagu habeen iyo maalinba derbi bay noo ahaayeen intaannu iyaga la joognay oo idaha haynay oo dhan.