Xaakinnadii 11:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasuu Yeftaah yimid Misfaah xagga gurigiisii, oo bal eeg, gabadhiisii baa ka soo baxday inay la kulanto, iyadoo daf tumaysa oo cayaaraysa. Madi bay u ahayd oo iyada mooyaane wiil iyo gabadh midna ma uu lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 15:20 : 20 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.
  • Yer 31:4 : 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.
  • Xaak 10:17 : 17 ¶ Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.
  • Xaak 11:11 : 11 Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.
  • Sab 68:25 : 25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
  • Sab 148:11-12 : 11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow, 12 Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,
  • Sab 150:4 : 4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
  • 1 Sam 18:6-7 : 6 ¶ Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya. 7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
  • Xaak 5:1-9 : 1 ¶ Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen, 2 Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana. 3 Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen. 5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis. 6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan. 7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah. 8 Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran? 9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana. 10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow. 11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha. 12 Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow. 13 Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa. 14 Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora. 15 Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay. 16 Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay. 17 Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa. 18 Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka. 19 Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan. 20 Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen. 21 Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco. 22 Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay. 23 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan. 24 Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan. 25 Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay. 26 Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa. 27 Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah. 28 Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa? 29 Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay. 30 Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan? 31 Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
  • Yer 31:13 : 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • Luuk 7:12 : 12 Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.
  • Luuk 8:42 : 42 Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.
  • Luuk 9:38 : 38 Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    35Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.

    36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.

    37Oo waxay aabbaheed ku tidhi, Bal waxan ha la ii sameeyo, intii laba bilood ah i daa, oo intaan buuraha tago, aniga iyo saaxiibadahay, aan bikradnimadayda u baroortee.

    38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.

    39Oo labadii bilood dabadeed ayay ku soo noqotay aabbaheed, oo isna wuxuu ku sameeyey sidii uu nidarka ku galay; oo iyana nin ma ay aqoon. Oo reer binu Israa'iilna waxaa caado u ahaa,

    40inay gabdhaha reer binu Israa'iil sannad walba afar maalmood baxaan oo u baroortaan gabadhii Yeftaah kii reer Gilecaad.

  • 74%

    28Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.

    29¶ Markaasaa Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yeftaah, oo wuxuu soo dhaafay reer Gilecaad iyo reer Manaseh, oo wuxuu soo dhaafay Misfaah tii reer Gilecaad, oo markaasuu Misfaah tii reer Gilecaadna wuxuu uga sii gudbay xagga reer Cammoon.

    30Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso,

    31markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.

    32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

    33Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

  • Xaak 11:1-7
    7 aayado
    72%

    1¶ Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.

    2Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.

    3Markaasuu Yeftaah walaalihiis ka cararay, oo wuxuu degay dalkii Toob: markaasaa waxaa isku soo ururay ciyaalasuuq, oo iyana waxay raaceen Yeftaah.

    4¶ Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.

    5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;

    6oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee.

    7Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira?

  • 70%

    11Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.

    12¶ Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?

  • Xaak 12:1-4
    4 aayado
    67%

    1¶ Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa.

    2Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.

    3Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan?

    4Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh.

  • 66%

    14Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;

    15oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:

  • Xaak 14:1-3
    3 aayado
    66%

    1¶ Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.

    2Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.

    3Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.

  • 42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.

  • 16Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.

  • 7¶ Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.

  • 9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

  • 3Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.

  • 21oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin.

  • 9Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.

  • 1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

  • 19Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay.

  • 24Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.

  • 9Ninkanu wuxuu lahaa afar gabdhood oo bikrado ah oo wax sheegi jiray.

  • 3Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.

  • 9Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa?

  • 16Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?

  • 17oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.

  • 12Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.

  • 27waayo, iyada wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana la ma arag.

  • 34Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.