Luukos 2:49

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mal 3:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.
  • Yoox 4:34 : 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
  • Yoox 5:17 : 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.
  • Yoox 6:38 : 38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
  • Yoox 8:29 : 29 Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga.
  • Sab 40:8 : 8 Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
  • Yoox 9:4 : 4 Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin.
  • Mat 21:12 : 12 ¶ Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.
  • Luuk 2:48 : 48 Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.
  • Yoox 2:16-17 : 16 Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari. 17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 2:39-48
    10 aayado
    86%

    39¶ Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

    40¶ Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.

    41¶ Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.

    42Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.

    43Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,

    44laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.

    45Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.

    46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.

    47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.

    48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

  • Luuk 2:50-51
    2 aayado
    80%

    50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

    51Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.

  • Yoox 8:19-20
    2 aayado
    75%

    19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • 33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.

  • 49Maalin walbaba macbudka ayaan idinkula jiri jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan, laakiin Qorniinku waa inuu rumoobo.

  • 42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?

  • 16Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari.

  • 69%

    45¶ Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay,

    46isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.

  • 36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • Mat 12:47-48
    2 aayado
    69%

    47Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan.

    48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

  • 27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,

  • 17Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.

  • 27Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

  • 7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

  • 33¶ Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?

  • 8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

  • 34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

  • 17Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo.

  • 38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

  • 11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • Mark 3:32-34
    3 aayado
    67%

    32Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.

    33Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?

    34Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

  • 37Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya.

  • 21Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.

  • 37Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.

  • 16¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

  • 15oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

  • 13Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.

  • 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.

  • 43Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.

  • Yoox 14:9-10
    2 aayado
    66%

    9Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

  • 55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

  • 4Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay, aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman.