Tirintii 11:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 11:17 : 17 Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.
  • Tir 12:5 : 5 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.
  • 1 Sam 10:10 : 10 ¶ Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.
  • 1 Sam 19:20-24 : 20 Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen. 21 Oo taas markii Saa'uul loo sheegay ayuu haddana soo diray rag kale, oo iyana wax bay sii sheegeen. Oo haddana mar saddexaad ayaa Saa'uul rag kale soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen. 22 Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal. 23 Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal. 24 Oo isna dharkii buu iska siibay, oo Samuu'eel hortiisuu wax ku sii sheegay, oo halkaasuu jiifay isagoo qaawan maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan. Oo sidaas daraaddeed waxay yidhaahdaan, Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
  • 2 Boq 2:15 : 15 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.
  • Sab 99:7 : 7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
  • Yer 36:5-6 : 5 Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo, 6 sidaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.
  • Yoel 2:28-29 : 28 ¶ Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, 29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.
  • Luuk 9:34-35 : 34 Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen. 35 Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
  • Fal 2:17-18 : 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan; 18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
  • Fal 11:28 : 28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.
  • Fal 21:9-9 : 9 Ninkanu wuxuu lahaa afar gabdhood oo bikrado ah oo wax sheegi jiray. 10 Kolkaannu maalmo badan meeshaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la odhan jiray Agabos. 11 Oo markuu noo yimid ayuu qaatay Bawlos dhex-xidhkiisii oo ku xidhxidhay gacmihiisii iyo cagihiisii isagoo leh, Ruuxa Quduuska ahu sidaasuu leeyahay, Yuhuudda Yeruusaalem joogtaa sidaasay u xidhi doonaan ninka dhex-xidhkan leh, oo waxay isagii u gacangelin doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • 1 Kor 11:4-5 : 4 Nin kasta oo tukada ama wax sii sheega isagoo madaxa wax u saaran yihiin, madaxiisuu ceebeeyaa. 5 Oo naag kasta oo tukata ama wax sii sheegta iyadoo aan gambaysnayn, madaxeeday ceebaysaa. Waayo, waxay la mid tahay sidii iyadoo madax xiiran.
  • 1 Kor 14:1-3 : 1 ¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan. 2 Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya. 3 Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.
  • 1 Kor 14:32 : 32 Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.
  • Yac 1:17 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
  • 2 But 1:21 : 21 Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.
  • 1 Sam 10:5-6 : 5 Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan. 6 Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.
  • Bax 34:5 : 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.
  • Bax 40:38 : 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 11:23-24
    2 aayado
    85%

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.

    24Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay.

  • Tir 11:16-17
    2 aayado
    83%

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.

    17Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.

  • Tir 11:26-27
    2 aayado
    81%

    26Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen.

    27Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan.

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • Tir 11:29-30
    2 aayado
    73%

    29Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!

    30Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

  • 5Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

  • Bax 19:24-25
    2 aayado
    69%

    24Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.

    25Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

  • 18Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.

  • 11Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,

  • 11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.

  • 9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

  • Bax 24:15-16
    2 aayado
    68%

    15Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.

    16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

  • 7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

  • 20Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.

  • 20Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.

  • Tir 27:15-16
    2 aayado
    67%

    15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    16Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,

  • 5Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.

  • 11Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin.

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10¶ Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.

  • 9Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen.

  • 23Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.

  • 18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

  • 15Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.

  • 11Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.

  • 42Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

  • 6Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.

  • 25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 29Markaasaa Muuse iyo Haaruun tageen oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 31Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,