Maahmaahyadii 30:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 2:9 : 9 Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.
  • Sab 27:4 : 4 Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
  • Luuk 10:42 : 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
  • Sab 21:2 : 2 Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
  • 1 Boq 3:5-9 : 5 Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo. 6 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay. 7 Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona. 8 Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda. 9 Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 30:8-9
    2 aayado
    80%

    8Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,

    9Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

  • 79%

    20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

    21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

  • 16Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

  • 6Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

  • Ayuub 6:7-8
    2 aayado
    71%

    7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.

    8Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!

  • 4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

  • 22Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 16sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 16Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,

  • 70%

    15Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.

    16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 5Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo, Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.

  • 25Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.

  • 9Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.

  • 30(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

  • 20Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

  • 4Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.

  • 3Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?

  • 14Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,

  • 17Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?

  • 19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

  • 20Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,

  • 28Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.

  • 11Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,

  • 37Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.

  • 4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.

  • 23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.

  • 13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

  • 26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

  • 2Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda.

  • 20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.

  • 31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 4Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.

  • 18Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

  • 7Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.

  • 2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)

  • 3Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.

  • 32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

  • 12Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa, Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.

  • 2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.