Maahmaahyadii 5:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 7:26 : 26 Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
  • Cib 4:12 : 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.
  • Sab 55:21 : 21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
  • Sab 57:4 : 4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
  • Maah 6:24-35 : 24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad. 25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban. 26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa. 27 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban? 28 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban? 29 Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono. 30 Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo, 31 Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan. 32 Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa. 33 Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba. 34 Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono. 35 Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.
  • Maah 7:22-23 : 22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, 23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
  • Maah 9:18 : 18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.
  • Maah 23:27-28 : 27 Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah. 28 Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
  • Cib 12:15-16 : 15 Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane, 16 si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah.
  • Xaak 16:4-6 : 4 ¶ Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah. 5 Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah. 6 Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.
  • Xaak 16:15-21 : 15 Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro. 16 Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho. 17 Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale. 18 Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen. 19 Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey. 20 Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga. 21 Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 5:5-6
    2 aayado
    82%

    5Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

    6Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

  • 3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

  • 26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

  • Maah 2:15-19
    5 aayado
    76%

    15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

    16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

    17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

    18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

    19Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.

  • Maah 7:25-27
    3 aayado
    76%

    25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

    26Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.

    27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

  • 76%

    32Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.

    33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

  • Maah 6:24-26
    3 aayado
    75%

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

    25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

    26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 20Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

  • 73%

    27Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

    28Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

  • Maah 7:10-12
    3 aayado
    73%

    10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

  • Maah 7:21-23
    3 aayado
    73%

    21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

    23Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.

  • Maah 3:17-18
    2 aayado
    72%

    17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

    18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 8Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

  • 5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

  • 7Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.

  • 24Oo waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan.

  • 5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 31Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

  • 4Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.

  • 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 20Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 11Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.

  • 23Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

  • 22Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.

  • 6Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

  • 15Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.

  • 6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

  • 4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

  • 2Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.

  • 15Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.