Sabuurradii 150:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 15:16 : 16 Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
  • 1 Taar 15:19 : 19 Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan,
  • 1 Taar 15:28 : 28 Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
  • 1 Taar 25:1 : 1 ¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:
  • 1 Taar 25:6 : 6 Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
  • 2 Sam 6:5 : 5 Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.
  • 1 Taar 13:8 : 8 Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.
  • 1 Taar 16:5 : 5 kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 150:1-4
    4 aayado
    88%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

    4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

  • 6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

  • Sab 149:1-3
    3 aayado
    81%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

    2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

    3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • Sab 98:4-6
    3 aayado
    79%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

    6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

  • Sab 33:1-3
    3 aayado
    79%

    1Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • Sab 148:1-4
    4 aayado
    76%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

    2Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.

    3Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.

    4Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.

  • 8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • Sab 81:1-2
    2 aayado
    74%

    1Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.

    2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • Sab 66:1-2
    2 aayado
    74%

    1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

    2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • Sab 47:5-6
    2 aayado
    73%

    5Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.

    6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

  • 3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    73%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • 2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

  • 1Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.

  • 2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • 13oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 1Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

  • 5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

  • 13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

  • 1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.

  • 9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.

  • 12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

  • 34Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

  • 1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,