Ruud 4:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddaba waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda caadadii ku saabsanayd kala iibsashada iyo kala beddelashada waxay ahayd in nin kabtiisa iska siibo oo uu deriskiisa u dhiibo in wax walba la sii adkeeyo aawadeed. Taasu waxay reer binu Israa'iil u ahayd sida loo markhaati furo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 25:7-9 : 7 Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo. 8 Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo, 9 markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis. 10 Oo magiciisa reer binu Israa'iil dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ruud 4:8-10
    3 aayado
    90%

    8Sidaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay.

    9Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan.

    10Oo weliba Ruud tii reer Moo'aab oo ahayd naagtii Maxloonna waxaan u iibsaday inay naagtaydii ahaato ee aan kii dhintay magiciisii u soo celiyo dhulkii uu dhaxalka u lahaa, si uusan kii dhintay magiciisii uga go'in walaalihiis dhexdooda iyo iriddii meeshiisa; idinku markhaatiyaal baad ka tihiin.

  • Ruud 4:1-6
    6 aayado
    76%

    1¶ Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay.

    2Markaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen.

    3Markaasuu wuxuu ku yidhi ninkii xigaalka u dhow ahaa, Nimco oo ka soo noqotay waddankii reer Moo'aab ayaa iibinaysa jagadii dhulka ahayd ee uu lahaa walaalkeen Eliimeleg.

    4Oo waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa.

    5Markaasaa Bocas wuxuu yidhi, Maalintii aad Nimco gacanteeda beerta ka iibsatid, waa inaad Ruud tii reer Moo'aabna ka iibsataa, taasoo ah naagtii kii dhintay, inaad kii dhintay magiciisii ku soo celisid dhulkii dhaxalkiisa ahaa.

    6Markaasaa ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu yidhi, Anigu taas ma iibsan karo, waayo, waaba intaasoo aan dhaxalkayga halleeyaa; haddaba adigu qaado xaqii aan iibsashada u lahaa, maxaa yeelay, anigu ma aan iibsan karo.

  • 74%

    7Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.

    8Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,

    9markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis.

    10Oo magiciisa reer binu Israa'iil dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.

    11¶ Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,

  • Ruud 3:12-14
    3 aayado
    66%

    12Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.

    13Haddaba bal caawa iska joog, oo subaxdana hadduu isagu kuu sameeyo waxa xigaalka waajibka ku ah waa hagaag, ha sameeyo, laakiinse haddaanu kuu yeelin waajibka xigaalka, de markaas Rabbiga noloshiisaan kuugu dhaartaye, anaa kuu samaynaya.

    14Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.

  • 6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.

  • 66%

    24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

    25¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.

    26Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

  • Ruud 3:7-9
    3 aayado
    66%

    7Oo Bocasna markuu wax cunay oo wax cabbay qalbigiisu waa faraxsanaa, oo wuxuu aaday inuu jiifsado meel tuulmo hadhuudh ah ka dambaysa. Markaasay aayar u timid oo cagihiisii bannaysay, oo way jiifsatay.

    8Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay.

    9Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow.

  • 1¶ Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.

  • 2ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.

  • 6si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?

  • Ruud 3:2-3
    2 aayado
    65%

    2Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.

    3Haddaba maydho, oo subko, oo dharkaagana xidho, oo waxaad tagtaa meesha wax lagu tumayo; laakiinse ninka ha istusin ilaa uu dhammaysto waxa uu cunayo oo cabbayo.

  • 15Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.

  • 13laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.

  • 13Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.

  • 5Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?

  • 11Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.

  • 5¶ Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.

  • 14Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado.

  • 11markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

  • 11Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada.

  • 26Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,

  • 11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.

  • 16Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

  • 5Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay.

  • 4Oo iyana waxay yidhaahdeen, Nama aad dulmin, namana aad cadaadin, oo ninnaba gacantiisa waxba kama aad qaadan.

  • 1¶ Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.

  • 15markaas gabadha aabbaheed iyo hooyadeed ha soo qaadeen calaamadihii bikradnimada gabadhooda, oo odayaasha magaalada ha ugu keeneen iridda magaalada,

  • 9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

  • 2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

  • 49ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.

  • 17oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.