2 Taariikhdii 34:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 18:19 : 19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
  • 2 Taar 14:4 : 4 oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka.
  • 2 Taar 29:29 : 29 Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen.
  • 2 Taar 30:12 : 12 Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.
  • 2 Taar 33:16 : 16 Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Wacd 8:2 : 2 ¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
  • Yer 3:10 : 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    29¶ Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

    31Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

  • 2 Boq 23:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

    3Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.

  • 33Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 12Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,

  • 29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

  • 3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.

  • 16¶ Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.

  • 17Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.

  • 4oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka.

  • 2Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 2Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 12Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

  • 8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,

  • 1¶ Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.

  • 16Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah.

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • Yer 34:18-19
    2 aayado
    70%

    18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,

    19kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,

  • 70%

    13Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 38¶ Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.

  • 5Markaasaa Cesraa kacay oo wuxuu wadaaddadii sare iyo reer Laawi iyo reer binu Israa'iil oo dhan ku wada dhaariyey inay sameeyaan sida eraygaasu leeyahay. Oo iyana saasay ku wada dhaarteen.

  • 7Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.

  • 32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

  • 70%

    15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

    16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 20Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

  • 16Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 4Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 26Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanwanaagsanaa, sida ku qoran sharciga Rabbiga,

  • Yex 17:13-14
    2 aayado
    69%

    13Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,

    14si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.

  • 4laakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil.

  • 28Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 33Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.

  • 69%

    4Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.

    5Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.

  • 58si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray.

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 13Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.