Falimaha Rasuullada 2:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 14:23 : 23 Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?
  • Ef 5:18 : 18 Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.
  • 1 Sam 1:14 : 14 Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa gormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee.
  • Ayuub 32:19 : 19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
  • Hees 7:9 : 9 Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.
  • Ish 25:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
  • Sak 9:15 : 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
  • Sak 9:17 : 17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
  • Sak 10:7 : 7 Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
  • Fal 2:15 : 15 Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 2:11-12
    2 aayado
    82%

    11iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.

    12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

  • Fal 2:14-16
    3 aayado
    81%

    14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

    15Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.

    16Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,

  • Fal 2:1-8
    8 aayado
    74%

    1¶ Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.

    2Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan.

    3Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta.

    4Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

    5¶ Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta.

    6Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.

    7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

    8Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay?

  • Fal 4:13-14
    2 aayado
    72%

    13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

    14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

  • Fal 10:44-47
    4 aayado
    71%

    44¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.

    45Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.

    46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

  • Fal 4:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • 32¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

  • 52Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.

  • 41Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • 9¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.

  • 37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

  • 10markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

  • 22Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

  • 10oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay.

  • 36Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,

  • 33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.

  • 12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • 1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

  • 15¶ Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • Yoox 2:7-8
    2 aayado
    66%

    7Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka.

    8Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen.

  • 13oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis.

  • Luuk 5:37-39
    3 aayado
    66%

    37Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.

    38Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

    39Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 7nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.

  • 4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

  • 11Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • 13Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;

  • 36Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.

  • 19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?