Baxniintii 2:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 3:1 : 1 ¶ Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.
  • Bax 4:18 : 18 ¶ Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag.
  • Tir 10:29 : 29 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.
  • Tir 19:20 : 20 Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.
  • Bax 18:1-9 : 1 ¶ Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar. 2 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed, 3 iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad, 4 midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon. 5 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii. 6 Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba. 7 Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen. 8 Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey. 9 Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu Israa'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta. 10 Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda. 11 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey. 12 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 2:19-20
    2 aayado
    81%

    19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

    20Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.

  • Bax 2:16-17
    2 aayado
    79%

    16Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.

    17Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.

  • Bax 18:4-8
    5 aayado
    75%

    4midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.

    5Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.

    6Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.

    7Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.

    8Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

  • 1¶ Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.

  • Bax 18:14-15
    2 aayado
    72%

    14Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?

    15Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.

  • 18¶ Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag.

  • 29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • 5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

  • Bil 29:6-7
    2 aayado
    71%

    6Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.

    7Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

  • 2ayay reer Gaad iyo reer Ruubeen u yimaadeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo amiirradii shirka, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 1¶ Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.

  • 32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

  • 15Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

  • 25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

  • 27Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.

  • 29¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.

  • 9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 12Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

  • 20Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan,

  • 18Kolkaasuu aabbihiis u yimid, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Kumaad tahay, wiilkaygiiyow?

  • 18Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.

  • 3Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.

  • 22¶ Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay?

  • 28¶ Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.