Ishacyaah 45:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 3:6 : 6 Haddiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn?
  • Wacd 7:13-14 : 13 Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara? 14 Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.
  • Aam 4:13 : 13 Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
  • Ish 31:2 : 2 Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.
  • Nax 1:8 : 8 Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
  • Sab 75:7 : 7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
  • Ayuub 2:10 : 10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.
  • Yer 31:35 : 35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:
  • Fal 4:28 : 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.
  • Yer 13:16 : 16 Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.
  • Yuud 1:6 : 6 oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira.
  • Yer 51:20 : 20 ¶ Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
  • Sab 104:20-23 : 20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan. 21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah. 22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda. 23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
  • Ayuub 34:29 : 29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
  • Bax 10:21-23 : 21 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran. 22 Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray; 23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.
  • Bax 14:20 : 20 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.
  • Ish 10:5-6 : 5 ¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro. 6 Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
  • Yex 14:15-21 : 15 Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin, 16 xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa. 17 Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo, 18 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa. 19 Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo, 20 xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen. 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Yex 32:8 : 8 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
  • Yoel 2:2 : 2 Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.
  • Yer 18:7-9 : 7 Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo, 8 haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo. 9 Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero, 10 hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.
  • Aam 5:6 : 6 Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,
  • 2 Kor 4:6 : 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • Yac 1:17 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
  • Yuud 1:13 : 13 iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.
  • Bil 1:3-5 : 3 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. 4 Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii. 5 Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah.
  • Bil 1:17-18 : 17 Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan, 18 oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.
  • Sab 8:3 : 3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
  • Sab 29:11 : 11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 45:8-9
    2 aayado
    76%

    8¶ Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.

    9¶ Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh?

  • Ish 45:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.

    19Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.

  • Ish 45:11-12
    2 aayado
    74%

    11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?

    12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.

  • 16Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

  • 13Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.

  • 4Rabbigu wax kastuu isu abuuray, Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.

  • 24¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.

  • 2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

  • Ish 45:5-6
    2 aayado
    72%

    5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,

    6in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.

  • 5¶ Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.

  • 3oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha.

  • 3Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.

  • 7waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.

  • 13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • Sab 135:6-7
    2 aayado
    69%

    6Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.

    7Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 19Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.

  • Ish 43:15-16
    2 aayado
    69%

    15Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna.

    16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,

  • 5Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.

  • 14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

  • 39Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.

  • 20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

  • 4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.

  • 8Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi.

  • 35Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:

  • 3Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.

  • 50Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?

  • 15Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 28Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.

  • 16Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.

  • 11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

  • 17¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

  • 10Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.

  • 21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 11Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.

  • 23¶ Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.

  • 9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.

  • 7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

  • 17Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

  • 25War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 24Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.

  • 6Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.