Yeremyaah 33:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 74:16-17 : 16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba. 17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
  • Yer 31:35-36 : 35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay: 36 Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan.
  • Yer 33:20 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,
  • Sab 104:19 : 19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
  • Bil 8:22 : 22 Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.
  • Bil 9:9-9 : 9 Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya; 10 iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka. 11 Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono. 12 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta. 13 Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka. 14 Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda, 15 oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan. 16 Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga. 17 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 33:19-24
    6 aayado
    89%

    19Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,

    20Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,

    21markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.

    22Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.

    23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,

    24Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.

  • Yer 31:35-37
    3 aayado
    80%

    35Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:

    36Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan.

    37Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddii samada sare la qiyaasi karo, amase aasaaska dhulka hoose la soo baadhi karo, markaas aniguna farcanka reer binu Israa'iil oo dhan waan u wada xoori doonaa wixii ay sameeyeen oo dhan aawadood, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

  • 22Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

  • Sab 89:33-34
    2 aayado
    71%

    33Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.

    34Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.

  • Yer 31:31-32
    2 aayado
    71%

    31¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,

    32oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Sab 89:30-31
    2 aayado
    71%

    30Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,

    31Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin,

  • 21Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 5Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 9Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

  • 14Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,

  • 10Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 33Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?

  • Yer 11:2-3
    2 aayado
    69%

    2Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.

    3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan

  • 13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,

  • 5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

  • 37Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)

  • 15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

  • 29Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.

  • 8Oo cagta reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhaqaajin maayo dalkii aan u doortay awowayaashood, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, kuwaasoo ah sharcigii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii aan gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 3Axdi baan la dhigtay kii aan doortay, Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,

  • 18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,

  • Ish 54:9-10
    2 aayado
    68%

    9Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.

    10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

  • 6Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.

  • 18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 17Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

  • 6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

  • 31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 17Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

  • 14¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado;

  • 6¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.

  • 8Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.