Luukos 7:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 126:5-6 : 5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan. 6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
  • Wacd 9:8 : 8 Had iyo goorba dharkaagu wax cad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.
  • Sab 6:6-8 : 6 Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda. 7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa. 8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
  • Sab 38:18 : 18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
  • Sab 51:17 : 17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
  • Bil 18:4 : 4 Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:
  • Xaak 2:4-5 : 4 Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen. 5 Oo meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen.
  • Cesr 10:1 : 1 ¶ Haddaba intii Cesraa tukanayay oo uu wax qiranayay isagoo ooyaya oo isku tuuraya guriga Ilaah hortiisa, waxaa isagii reer binu Israa'iil uga soo ururay shir aad u weyn oo rag iyo dumar iyo carruurba leh, waayo, dadkii aad bay u ooyeen.
  • Hees 1:3 : 3 Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
  • Ish 57:9 : 9 Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
  • Ish 61:3 : 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • Yer 31:9 : 9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.
  • Yer 31:18-20 : 18 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay. 19 Hubaal markaan soo noqday ayaan toobadkeenay, oo markii lay waaniyeyna bowdadaan dharbaaxay, oo waan ceeboobay, oo xataa waan sharafjabay, waayo, waxaan weli sitay ceebtii yaraantayda. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
  • Yoel 2:12 : 12 ¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • Mat 5:4 : 4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.
  • Luuk 6:21 : 21 Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan.
  • Luuk 7:44-46 : 44 Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay. 45 Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato. 46 Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay.
  • Luuk 22:62 : 62 Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
  • Yoox 13:4-5 : 4 ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday. 5 Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.
  • 2 Kor 7:10-11 : 10 Maxaa yeelay, caloolxumaanta ah sida Ilaah doonayo waxay keentaa toobadda xagga badbaadada ee aan laga qoomamayn, laakiin caloolxumaanta dunidu waxay keentaa dhimasho. 11 Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.
  • Yac 4:9 : 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 7:36-37
    2 aayado
    88%

    36¶ Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay.

    37Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro.

  • Luuk 7:43-48
    6 aayado
    86%

    43Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay.

    44Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay.

    45Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato.

    46Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay.

    47Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.

    48Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.

  • Mat 26:6-10
    5 aayado
    82%

    6¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

    7waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.

    8Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

    9Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

    10Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

  • Yoox 12:2-3
    2 aayado
    82%

    2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.

    3Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka.

  • Luuk 7:39-40
    2 aayado
    82%

    39Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.

    40Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.

  • Mark 14:3-6
    4 aayado
    80%

    3¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay.

    4Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey?

    5Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii.

    6Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

  • 2Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.

  • Mark 14:8-9
    2 aayado
    74%

    8Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.

    9Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • Yoox 13:5-6
    2 aayado
    72%

    5Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.

    6Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

  • 7Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.

  • Mat 26:12-13
    2 aayado
    70%

    12Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.

    13Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • 13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.

  • 47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

  • 70%

    38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

    39Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay.

  • 69%

    31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

    32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

    33Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.

  • 25Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay.

  • 12¶ Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

  • 5Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?

  • Yoox 8:7-8
    2 aayado
    68%

    7Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.

    8Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.

  • 10Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?

  • 11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

  • 32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

  • 3Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

  • 35Ciise waa ooyay.

  • 27Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.

  • 13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

  • 16Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.

  • 2iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen,