Mal'aakii 3:18
Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
17Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.
19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
2Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.
3Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
4Markaasaa qurbaanka dadka Yahuudah iyo kan reer Yeruusaalem noqon doona mid Rabbigu ku farxo, sidii waagii hore iyo sidii sannadihii qadiimka ahaa.
5Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
6iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
23Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.
7¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
8¶ Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno.
15Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
3Oo waxaad ku tuman doontaan kuwa sharka ah oo dhan, waayo, maalinta aan saas sameeyo iyagu waxay ahaan doonaan sida dambas cagihiinna ka hooseeya, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
4¶ Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo.
1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?
8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
32de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.
5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
18markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah,
17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.
5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?
10oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah;
1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.
32Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha.
19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
2Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
30Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan,
16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.
15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.
15Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
8Oo idinna waa inaad soo noqotaan, oo aad addeecdaan codka Rabbiga, oo aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.
30Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.
5Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,
30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
6Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.
3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
15Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.
18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,
14Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?
7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.
6Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
6¶ Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?
9Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.