Maahmaahyadii 18:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 15:39 : 39 Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;
  • Maah 6:19 : 19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
  • Maah 16:32 : 32 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
  • Bil 4:5-8 : 5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday. 6 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday? 7 Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga. 8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.
  • Bil 27:41-45 : 41 ¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub. 42 Rebeqahna waxaa loo sheegay hadalkii wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw; markaasay intay u cid dirtay u yeedhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub, oo waxay ku tidhi isagii, Bal eeg, walaalkaa Ceesaw wuxuu isku qalbi qabowjiyaa talajirka uu ku talo jiro inuu ku dilo. 43 Haddaba sidaas daraaddeed wiilkaygiiyow, codkayga addeec. Kac oo u carar walaalkay Laabaan xagga Haaraan; 44 oo dhawr maalmood isaga la joog, ilaa walaalkaa ciilku ka ba'ayo, iyo ilaa walaalkaa cadhaduu kuu qabo ka ba'ayso, 45 oo uu ka illoobayo wixii aad ku samaysay: dabadeedna waan kuu soo cid diri doonaa, oo halkaasaan kaa soo kaxayn doonaa. Maxaan labadiinnaba isku maalin idiin waayayaa?
  • Bil 32:6-9 : 6 Kuwii farriinta wadayna Yacquub bay ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu gaadhnay walaalkaa Ceesaw, oo weliba wuu soo socdaa inuu kaa hor yimaado isagoo wata afar boqol oo nin. 7 Markaasaa Yacquub aad u cabsaday, cidhiidhi buuna galay; kolkaasuu kala qaybiyey dadkii la jiray, iyo adhigii, iyo lo'dii, iyo geelii, oo wuxuu ka dhigay laba kooxood, 8 oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta. 9 Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow: 10 Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood. 11 Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba.
  • Bil 37:3-5 : 3 Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh. 4 Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan. 5 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.
  • Bil 37:11 : 11 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.
  • Bil 37:18-27 : 18 Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan. 19 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye. 20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan. 21 Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin. 22 Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis. 23 Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay. 24 Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin. 25 Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar. 26 Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno? 27 Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.
  • 2 Sam 13:22 : 22 Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.
  • 2 Sam 13:28 : 28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
  • 1 Boq 2:23-25 : 23 Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba. 24 Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa. 25 Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.
  • 1 Boq 12:16 : 16 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.
  • 2 Taar 13:17 : 17 Oo Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.

  • 72%

    17Cunto khudaareed oo jacayl la jiro Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.

    18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

  • 15¶ Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.

  • 20Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.

  • 69%

    17Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.

    18Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.

    19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

    20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 21Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.

  • 14Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • 1Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

  • 19In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

  • 6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

  • 13Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.

  • 24In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

  • 10Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.

  • 9Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.

  • 24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

  • 67%

    17Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.

    18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

  • 11Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

  • 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

  • 32Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.

  • 21kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.

  • 9In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

  • 10Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.

  • Maah 27:3-4
    2 aayado
    66%

    3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

    4Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

  • 19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

  • 22Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

  • 1Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.

  • Luuk 17:1-3
    3 aayado
    66%

    1¶ Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado.

    2In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

    3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.

  • 14Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

  • 15Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

  • 66%

    28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

    29Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

  • 19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 7Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado.

  • 22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 25Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin.

  • 24Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,

  • 11Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.

  • 1Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.