Sakaryaah 8:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 14:25 : 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
  • Ish 66:18 : 18 Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.
  • Ish 45:14 : 14 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
  • Fal 13:47-48 : 47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog. 48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
  • Bil 31:7 : 7 Laakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo.
  • Bil 31:41 : 41 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.
  • Tir 10:29-32 : 29 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil. 30 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii. 31 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale. 32 Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
  • Tir 14:14-16 : 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah. 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay.
  • Tir 14:22 : 22 Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,
  • Sharc 4:6-7 : 6 Haddaba iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah. 7 Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?
  • Yash 2:9-9 : 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah; 13 iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.
  • Ruud 1:16-17 : 16 Kolkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga. 17 Meeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan.
  • 1 Sam 15:27-28 : 27 Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay. 28 Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan.
  • 2 Sam 15:19-22 : 19 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey. 20 Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen. 21 Markaasaa Itay wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa, iyo noloshaada, boqorow, sayidkaygiiyow, sida runtaa meel alla meeshii aad joogtid, ama aan noolaado ama aan dhintee, anoo addoonkaaga ahuna halkaasaan joogayaa. 22 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Itay ku yidhi, Haddaba tag oo gudub. Markaasaa Itay kii reer Gadna gudbay, isagii iyo raggiisii oo dhan, iyo yaryarkii la socday oo dhan.
  • 1 Boq 8:42-43 : 42 (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa, 43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
  • 2 Boq 2:6 : 6 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.
  • 1 Taar 12:18 : 18 Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.
  • Ayuub 19:3 : 3 Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
  • Wacd 11:2 : 2 Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.
  • Ish 3:6 : 6 Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo.
  • Ish 4:1 : 1 ¶ Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
  • Fal 19:12 : 12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
  • Ish 55:5 : 5 Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.
  • Ish 60:3 : 3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
  • Miik 5:5 : 5 Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna.
  • Mat 18:21-22 : 21 ¶ Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa? 22 Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.
  • Luuk 8:44 : 44 ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka.
  • Muj 14:6-7 : 6 ¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta; 7 iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 8:20-22
    3 aayado
    82%

    20Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

    21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

    22Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.

  • 2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • Ish 14:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

    2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 3Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • Sak 14:13-14
    2 aayado
    72%

    13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

    14Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.

  • Ish 11:10-12
    3 aayado
    71%

    10¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.

    11¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.

    12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.

  • Yer 50:4-5
    2 aayado
    71%

    4Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.

    5Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.

  • Ish 4:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.

    2¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.

  • 17Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,

  • 4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

  • 16Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • 8Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.

  • 10Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

  • 13Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.

  • Sak 8:6-8
    3 aayado
    70%

    6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

    8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

  • 9¶ Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.

  • 9¶ Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.

  • 19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.

  • 12inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.

  • Yer 3:17-18
    2 aayado
    69%

    17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

    18Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.

  • 1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 12Oo markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 8Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • 15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

  • Sak 12:8-9
    2 aayado
    68%

    8Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.

    9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.

  • Miik 4:5-6
    2 aayado
    68%

    5Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.

    6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.

  • 2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.

  • 8Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 15Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.