Safanyaah 1:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 10:5 : 5 Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay.
  • 2 Boq 23:4-5 : 4 Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday. 5 Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.
  • 2 Taar 34:4 : 4 Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.
  • Ish 14:26-27 : 26 Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?
  • Yer 6:12 : 12 Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
  • Miik 5:13 : 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.
  • Bax 15:12 : 12 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.
  • 2 Boq 21:13 : 13 Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Saf 1:2-3
    2 aayado
    80%

    2¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa.

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

  • 5iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam,

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.

  • Yer 1:15-16
    2 aayado
    77%

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

    16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • Miik 5:10-14
    5 aayado
    76%

    10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa.

    11Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.

    12Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal.

    13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

    14Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa.

  • 8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.

  • 14Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 17Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.

  • 7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.

  • Nax 1:14-15
    2 aayado
    72%

    14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

    15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.

  • 16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa.

  • Ish 14:22-23
    2 aayado
    72%

    22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

    23Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

  • 27Markaasaa Rabbigu yidhi, Anigu dadkii Yahuudahna hortayda waan ka fogaynayaa, sidaan dadkii Israa'iilba u fogeeyey oo kale, oo waan duminayaa magaaladan aan doortay oo ah Yeruusaalem, iyo gurigii aan idhi, Magacaygu halkaas ha yaallo.

  • 25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.

  • 1¶ Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.

  • Yex 21:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.

    4Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.

  • 11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?

  • 13Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

  • 20de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.

  • 12Rabbigu wuxuu teendhooyinka reer Yacquub uga baabbi'in doonaa ninkii waxan sameeya, kan toosa iyo kan ka jawaaba, iyo weliba kan qurbaan u bixiya Rabbiga ciidammadaba.

  • 14Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 4Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.

  • 5Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.

  • 7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

  • 35Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 30Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • 7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.

  • 8Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 6markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.

  • 21Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.

  • 4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.